Wasiirka Qorshaynta DGKS Mudane Ahmed Madoobe Nunow ayaa Maanta Daahfurey Shir Ay Iskugu Yimaadeen Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Ee Heer Federaal Iyo Maamulada Koonfur Galbeed,Putland, Galmudug oo Bahwadaaga ku ah Mashruuca Biyooley oo Baanka Aduunka Dhaqaalihiisu Bixiyo .
Shirka Daahfurkiisa Maanta Ayaa Waxaa Ka Qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha DGKS iyo Wasiirka Beeraha Koonfur Galbeed Mustaf Iidow ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha DFS iyo Xariiriyaha Guud Ee Mashruuca Biyooley Ee Somaliya Dr Abdulaahi Elmi Mohamed .
Shirka Daahfurkiisa Maanta Ayaa Ka Hadlay Qaar kamid ah Masuliyiin Ka Qaybgalaayo Ayagoo Soo Bandhigay Caqabaha jira iyo Sidii ay uga Faaidaysan Lahayeen Mashruuca Biyooley Ee Dhanka Horumarinta Nolasha Xoolaha .