Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka,Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo agaasimayaasha, ayaa la kulmay Qaybta Isku-dubbaridka Mashruuca Biyoole, iyada oo warbixin laga siiyay marxaladaha kala duwan uu soo maray Mashruucan, hawlaha socda, iyo sidoo kale waaritanka mashruuca. warbixinnada joogtada ah ee loo jeedinayo madaxda cusub ee Wasaaradda waxey qeyb ka tahay dar-dargalinta shaqooyinka kala duwan ee socda.
Wixii faah-faahin ah kala xariiri, Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee https://mop.gov.so/ Address: Hussein Elabe Fahie Building Afgoye Road, KM5, Mogadishu, Somalia.